sida ay xaqiijinayaan Warar ay heshay Idaacada ee Magaalada Muqdisho, Koox hubeysan ayaa maanta Degmada Yaaqshid ku dishay gabar da’yar oo ardayad aheyd.
Kooxdaan ayaa dilka ka geystay agagaarka Hoteelka Guuleed, kuwaasi oo la sheegay inay ahaayeen labo dhalinyaro ah oo watay Moota Bajaaj, iskuna dayey inay telefoonka gacanta ay ka qaataan gabadha yar oo lagu magacaabi jiray Caasha Cabdi Saneey oo xiligaas ka timid Iskuulkeeda.
Hooyada dhashay marxuumad Caasha Cabdi Saneey, oo lagu magacaabo Fartuun Abuukar Suubiye ayaa sheegtay in gabadheeda ay madaxa ka toogteen,koox Bastoolado ku hubeysan ayna isla goobta ku geeryootay .
Laamaha Amniga Dowladda ayaan ku guuleysan inay soo qabtaan Kooxdii dishay gabadha ardayada aheyd,taasi oo hooyadeed ay aynoo xaqiijisay inay 14-sano ay jirtay.
Magaalada Muqdisho ayaa maalmahaan laga dareemayey xaalad amni daro iyo dilal is dabajoog ah oo ay geysanayaan Kooxo Bastoolado ku hubeysan.
asbuucyo ka hor ayey aheyd markii Madaxweynaha Maamul Gobaleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi waare uu saadaaliyey in uu gacanta ka sii bixi doono amniga Muqdisho sababo la xiriira hay’adaha Amniga qaranka oo guuldaro iyo howl-gudasho la’aan wajahaya.

