Guddoomiyaha Ururka haweenka Gobolka Banaadir Marwo Jawaahir Baarqab ayaa si cad u sheegtay in ay jiraan kooxo afduub u gaysta Gabdhaha soo baxaya.
Waxa ay sheegtay in hayaan Cadeymo muujinaya arintaas,islamarkaana gudaha magaalada ay ku yaalaan guryo la geeyo gabdhaha yar yar oo qoysaskooda laga afduubto jirkooda laga ganacsado.
“Gabdho wadamada dibadda laga keeno ayaa loogu tagaa goobahooda waxbarashada kadibna waxaa la geeyaa xaafado si jirkooda looga ganacsado.”ayay tiri Marwo Jawaahir.
Dhanka kale Guddoomiyaha ayaa sheegtay in Xeebta Liido oo loo damaashtago Habeenkii la geeyo Gabdho aysan waaliidkooda ka war haynin,taasina ay tahay qatar haatan jirta.

