Yuusuf Dabageed:-“Dadka Garsoorka u Doonta Al-shabaab Waan Ganaaxi Doonaa”,+Dhageyso

0

Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) oo shalay la wareegay xilka ayaa digniin culus u jeediyay dadka Garsoorka u doonta Xarakadda Al-shabaab.

Dabageed  oo la hadlay idaacadda Simba ee Muqdisho, ayaa sheegay in maamulkiisa uu talaabo ka qaadi doono dadkaas,islamarkaana la ganaaxi doono lacag dhan ($500) Shan Kun oo Dollar,islamarakana la xiro doono muddo 3-bilood ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay hadii ay jilicsan yihiin Maxkamadaha Gobolka Hiiraan ee Hir-shabeelle ay dadka u tagaan Culimadda Gobolka ku sugan, halka ay u tagi lahaayeen Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Gudoomiyaha Cusub ee Gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa ugu baaqay Ciidamadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM in ay qaadaan howlgal lagula dagaalamayo Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here