Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalyahano katirsan Al Shabaab oo la wareegay deegaano iyo Tuulooyin hoos yimaada degmada Hobyo ee Koofurta gobalka mudug.
Goobjooge ku sugan gobalka Mudug ayaa Radio Simba u xaqiijiyay in ciidamo katirsan Al Shabaab ay la wareegeen Deegaanada Gobdhaale,Birxun iyo Baraagfarey oo Hoostaga degmada Hobyo ee Gobolka mudug Waxaa Gudaha usoo galay Xubno Katirsan Al shabaab oo Gaadiidka dagaalka kuhubaysan.
Taliye kuxigeenka qeybta booliska Hobyo oo la hadlay Simba ayaa xaqiijiyay in alshabaab ay gudaha usoo galeen deeganadasi, iyadoo Aan la ogaan Karin Sida ay Tahay xaalada dadka kusugan halkaasi.
Dhanka kale dagaalyahanada Alqaacidda ee gaaray deegaanadaasi ayaa Jaray Dhamaan isgaarsiinta deeganadasi, waxaana socda gurmada dhanka ciidamada oo ay sameynayaa maamulka Galmudug.
Wariyaha Idaacada Simba ee gobalka Mudug ayaa sido kale daqiiqado ka hor xaqiijiyay saraakiisha iyo ciidamada AL shabaab iney gaareen deegaano hor leh oo katirsan gobalka Mudug gaar ahaan deegaanada Waable, Bulxur Aricad, Ceelcabdi, iyo deegaano kale oo hoos taga degmada Hobyo.
Wali wax war ah kama soo bixin Xarakada Al shabaab oo ku aadan saraakiisha iyo Xoogaga Al shabaab ee gaaray deegaanada cusub ee gobalka Mudug Soomaaliya.

