DEG DEG:- Qarax Ka Dhacay Gobalka Gedo Iyo Khasaare Ka Dhashay

0

Qarax xoogan ayaa goordhaw ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobalka Gedo.

Goobjooge ayaa Simba u sheegay inuu maqlay qarax xoogan oo ilaa hada uusan garan waxa loo adeegsaday, balse uu maleynayo inuu yahay miinooyinka kuwa dhulka lagu aaso.

Qaraxa ayaa ka dhacay agagarka saldhiga Booliska degmada Ceelwaaq ee Gobalka Gedo, waxaana jiro khasaare ka dhashay qaraxa miino oo ilaa hada aan la xaqiijin Karin tirada dadka ku waxyeeloobay.

Sarkaal katirsan Ciidamada dowladda ee gobalka Gedo ayaa noo xaqiijiyay jiritaanka qaraxa, balse isna waxuu ka gaabsaday inuu faah faahin intaasi ka baxsan ka bixiyo Juqta qaraxaasi waxuu ahaa.

Inta la xaqiijiyay hordha wararka Qaraxa ayaa sheegaya dhaawaca 2 ruux.

Waxii Kusoo Kordha Nagala Soco www.simbanews.com Ama Net

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here