Jugta qarax ayaa Goordhaw laga maqlay Isgoyska Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Warar is khilaafsan ayaa kasoo baxaya Juqta qaraxaasi nuuca uu ahaa, balse inta badan wararka ayaa sheegaya qaraxa inuu ahaa miinooyinka kuwa dhulka lagu aaso oo meelaga fog fog laga hago.
Inta la og yahay hada khasaaraha ka dhashay ayaa gaaraya dhimashada Saddex ruux iyo dhaawaca ruux kale, goobta qaraxa ka dhacay sido kale waxaa soo gaaray ciidamo katirsan dowladda.
Qaraxa ayaa yimid xili saacado ka hor ciidamda dowladda ay halkaasi ka wadeen baaritaano la xiriira gadiidka raaxada ee yaala ama marayay Isgoyska suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ilaa hada majirto cid ka hadashay qaraxa waxuu ahaa, lakin dhawaan ayaan idin soo gudbin doonaa faah faahinta qaraxa oo dhameystiran nagala soco Facebook/ Radio Simba

