Warar dheeraad aha ayaa laga helayaa qarax xoogan oo laga maqlay xaafada kala duwan ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.
Goobjooge ayaa Simba u sheegay Qaraxa inuu ahaa Miinooyinka laga hago meelaha fog fog, waxaana lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa Nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM.
Ilaa hada lama xaqiijin karo khasaaraha ka dhashay qaraxaasi Miino.
Maamulka degmada oo xiriiro ay la sameysay ayaa ka gaabsaday iney ka hadlaan qaraxa dhacay iyo khasaaraha Rasmiga ee ka dhashay qaraxaasi Miino.
Waxii Kusoo Kordho Kala Soco Facebook/ Radio Simba

