Ciidamo aad u Fara badan oo Saakay Lagu arkayo Gudaha Magaalada Jowhar

0

Wararka saakay aynu ka helayno Magaalada Jowhar ee Gobolka shabeelaha dhexe ayaa ku waramaya in saro loo qaaday amaanka Magaaladaas xili uu dhawaan uu ka Furmi doono shirka Maamulka u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe.

Gudoomiyaha Gobolka shabeelaha dhexe   Cali xuseen Cali Guudlaawe  oo war qoraal xafiiskiisa kasoo saaray ayaa ku amray laamaha amaanka Gobolka shabeelaha dhexe in ay adkeeyaan amaanka Magaalada Jowhar xili uu dhawaan ka furmi doono shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo shabeelaha dhexe,

Dhanka kale waxaa shalay Magaaladaas la geeyay ciidamo ka Tirsan kuwa Hay’ada Nabad sugida iyo sirdoonka qaranka dowlada soomaliya kuwasoo loogu talagalay in ay qeyb qaataan sugida amaanka Magaalada Jowhar inta uu shirka socdo,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here