Wariye C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya) oo Xabsiga laga sii daayay

0

Sida aynu wararka ku halayno  Wariye C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya) oo ka mid ah wariyaasha Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa gelinkii dambe ee maanta laga sii daayay xabsi ku yaala Madaxtooyada Magaalada Muqdisho

Wariye C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya) ayaa mudooyinkii dambe ku xirnaa mid kamid ah xabsiyada ku yaala Magaalada Muqdisho  iyadoona dadaal ay u galeen sii deysmadiisa qaar kamid ah ehelada wariyaha iyo suxufiiyinta Magaalada Muqdisho,

Dhanka kale Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), Maxamed Ibraahim Pakistan, ayaa xaqiijiyay in muddo 20 cisho ah uu Suxufigu ku xirnaa Magaalada Muqdisho, mudadaasina uu ku xanuunsanaayay xabsiga.

Maxamed Ibraahim Pakistan, Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka (NUSOJ), ayaa  sidoo kale sheegay in dadaal badan kadib lagu guuleystay in xabsiga laga sii daayo wariye C/risaaq Cumar Axmed (Siiriya) oo ilaa haatan aan la shaacin waxa lagu haystay,

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here