Magaca iyo Qabiilka Ninkii Isku Qarxiyay Xarunta Degmadda Howlwadaag

0

Xarakadda Al-shabaab ayaa caawa baahisay magaca iyo qabiilka ninkii isku qarxiyay Xarunta Degmadda Howlwadaag ee Gobolka Banaadir maalintii axada aheyd.

Sida laga baahiyay warbaahinta shabaab, waxaa weerarka fuliyay C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq ama Layaali,kaasi oo ku dhashay deegaanka Daaru-Salaam ee hoostaga degmada Saakoow ee Gobolka Jubadda Hoose.

Ninkaan ayaa dhawaan ku biiray Guutooyinka Al-shabaab ay u diyaariyeen qaraxyadda laga fuliyo Magaaladda muqdisho,wuxuuna horey ugu tirsanaaa shabaab-ka ku sugan Gobolka Mudug ee koonfurta dalka Soomaaliya.

“waxaan qoyskayga iyo dhamaan asxaabtayda aaan ku wargaliyay in aan isku qarxin doono xarunta Degmadda, oo ay ku suganaayeen  mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaiya’, ayuu yiri C/qaadir Cabdullaahi Xaaji Maxamed oo ku magac dheer Malaaq.

Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday xarunta Degmadda Howlwadaag ayaa waxaa ku dhintay 5ruux oo seddex kamid ah ay ahaayeen Ciidamo, iyo dhaawaca 12-ruux oo ay mas’uuliyiin ku jirto iyo caruur dhiganaysay dugsi qur’aan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here