Akhriso:-Sarkaal Al-Shabaab ah iyo Hub oo Lagu Qabtay Magaaladda Muqdisho

0

Ciidamadda Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), ayaa gacanta ku dhigay Xubin ka tirsan Al-shabaab iyo qaraxyo kadib howlgal ay ka sameeyeen Magaaladda Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Nabad Suggida oo la soo dhigay Bogga Twitterka NISA, ayaa lagu sheegay hawlgal qorsheysan oo ciidamada ay fuliyeen in lagu soo qabtay xubintaan ka tirsan Shabaab.

“Howlgal ciidanka nabadgalyadu ka fuliyay Muqdisho 2da Sabtembar 2018, ayaa lagu qabtay xubin Al-Shabaab ah oo maleegayay qaraxyo. Subaxii hore ee maalinkaa ayay Al-Shabaab ku gumaadeen shacab qarax ay la beegsadeen degmada Howl-wadaag.Nagu garab istaag ka hortaga Al-Shabaab si dadkeenu u gaaro nabad”. ayaa lagu yiri war kasoo baxay Hay’adda NISA.

Lama shaacinin ilaa haatan magaca sarkaalka howlgalka lagu soo qabtay.

Mudooyinkii dambe Ciidamdda NISA ayaa kordhiyay howlgaladda ay ka sameeyaan magaaladda Muqdisho,waxaana howlgaladda lagu soo qabtay xubno lala xiriirnaayo Al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here