Wararka ka imaanaya Degmada Bu’aalle ee Gobolka jubbada dhexe ayaa ku waramaya in xalay saqdii dhexe diyaarado dagaal ay duqeyn la beegsadeen Saldhig Xarakadda Al-shabaab ay ku leeyihiin Degmadaas.
Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka dhowr gantaal ayay diyaaradaha ku gaaraceen Degmadda oo ay ku xoogn yihiin dagaalyahanada Xarakadda Al-shabaab.
Dhawaqa jugta culus oo laga dareemayay degmadda ayaa cabsi badan waxa ay ku abuurtay shacabka,
Ilaa iyo haatan lama oga khasaaraha ka dhashay duqeytii xalay ka dhacay Degmada bu’aalle ee gobolka Jubbada dhexe halkaasi oo ay gacan ku hayaan al shabaab.
Inta badan duqeynmaha lala beegsado saldhigyadda Xarakadda Al-shabaab waxaa geysta diyaaradaha Dowladaha Mareykanka iyo Kenya oo dagaal kula jira Shabaab.

