Ciidamada Amniga oo Muqdisho Kusoo Bandhigay Ragg Afduubtay Wiil Yar!

0

Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay labo dhalinyaro ah oo lagu eedeeyay in ay dhici jireen shacabka socotadda ah,islamarkaaana afduuban jiray caruurta yar yar.

Howlgal Ciidamadda Booliska ay ka sameeyeen degmadda Hodan ee Gobolka banadir ayaa lagu soo qabtay labadda nin oo magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Yaasiin Cabdi iyo Mahdi Tahliil Maxamuud,kuwaasi oo sidoo kale lagu eedeeyay in ay afduubeen wiil yar oo afar sano jir ah,kana qafaasheen degmada Hodon.

Afhayeenka Booliska Gobolka Banaadir Qaasim Axmed Rooble oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in raggaan mudooyinkii ugu dambeeyay lagu raad joogay islamarkaana gacanta lagu soo dhigay kadib howlgal la sameeyay.

Raggaan oo jeebeysan ayaa loo gubdiyay xarunta Dambi Baarista CID-da ee Booliska Soomaaliyeed.

Dhanka kale Taliska booliska Gobolka Banaadir ayaa sheegay in gacanta lagu soo dhigay Maxamed Sadiiq Cabdi Cali baskoolad ku dhacay Mobile-llo tiro badan,waxaana loo gudbiyay Xabsiga dhexe ee Xamar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here