Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in dagaalyahano ka Tirsan Xarakadda Al-shabaab in ay ku sii qulqulayaan Degmooyinka Luuq iyo Doollow ee Gobalkaaas.
Korneel Cali Yacquub Nuur oo kamid ah Saraakiisha Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ee Gobolkaas oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay macquul tahay in shabaab ay la wareegaan midkood Luuq iyo Doollow.
Waxa uu sheegay in Degmooyinka Luuq iyo Doollow laga jaray isgaarsiintii, islamarkaana aysan joogin ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ethopia ee qeybta ah howlgalka AMISOM.
Dhanka kale Korneel Yacquub ayaa sheegay in Ciidamadda Ethopia ee qeybta ah howlgalka AMISOM Lagu amray in aysan soo gali Karin gudaha Magaaladda, amarkaasna ay bixiyeen madaxda AMISOM.
Ugu dambeyntii waxa uu sheegay in hawada laga saaray isgaarsiintii Degmooyinka Luuq iyo Doollow ee Gobalka Gedo, islamarkaana la hakiyay dhaqdhaqaaqii Magaaladda ka jiray.

