Hay’addo udooda xuquuda aadanaha ayaa dowlada Kenya ka dalbanaya in dib loo helo inka badan 80 dhalinyaro ah oo mudooyinkii ugu dambeeyay siyaabo kala duwan loogu afduubtay gudaha dalkaasi sida lagu sheegay war qoraal ah oo ay si wadajir ah usoo wada saareen hay’adahaasi.
Hassan Abdille oo ah agaasimaha guud ee hay’ada Muhuri ee udooda xuquuqda dadka muslimiinta ah ayaa sheegay in badi dadkan ay gacanta ugu jiraan saraakiisha dowlada kadib markii sida uu sheegay agaasimaha in ay tahay wax aad loogu xumaado isla markaana dhalin yaradaasi dib loogu soo celiyo deegaanadoodii ay kunoolaayeen.
Agaasimaha oo sii hadlayay ayaa dhanka kale ugu baaqay madaxweynaha Kenya Uhura Kenyatta in cadaalada la horkeeno saraakiisha looga cabsi qabo in ay gacantooda kujiraan caruurtaasi
Deegaanada ugu ba’adan oo dhalinyaradaasi laga afduubtay ayaa la sheegay in ay yihiin Tana River, Garissa, Mombasa, Kwale, Kilifi and Lamu, kuwaa oo ah xudunta ugu weyn oo ay kadhacaan weerarada ay fuliyaan Alshabab
Agaasimaha guud ee hay’ada Muhuri ee u dooda xuquuqda dadka Muslimiinta ah ayaa ugu dambeyntii waxaa uu sheegay in 80kaasi dhalinyaro loo baahan yahay hadii ay wax dambi ah galeen ama xariir ay laleeyihiin dhaq dhaqaaqa Alshabab lahorkeeno cadaada isagoona sheegay in waalidiinta dhalay dhalinyaradaasi ay aad ugu walaacsan yihiin caruurtooda.
Arintan ayaa kusoo aadeysa xilli maalin kahor madaxweynaha dalkaasi Mr uhura Kenyatta uu casuumaad kahelay madaxweynaha dalka mareykanka Donald Trump kuwaa oo kawada hadlay sidii xal looga gaari lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.

