Dowladda Ingiriiska oo Lacago u Balanqaaday Ciidamadda AMISOM ee Soomaaliya

0

Dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay in ay taageero xoogan gaar ahaan dhanka caafimaadka ay siin doonaan ciidamada Kenya ee kusugan soomaaliya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka midowga Africa amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.

Arintan ayaa imaaneysa kadib markii reysul wasaaraha dalkaasi Mrs May ay booqasho kutimid dalka Kenya iyadoona kala hadashay madaxweynaha dalkaasi arimo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii sare loogu qaadi lahaa xariirka ganacsi ay wadaagaan dalalkaasi iyo sidii loo wiiqi lahaa dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Dhanka kale dowlada UK ayaa sidoo kale carabaawday in ay tababar siin doonaan ciidamada Kenya ugu deeqi doonaan taageero dhanka Military isla markaana 917 Million oo dolarka marekanka ah ay ugu deeqeen howl galka midowga Africa amisom ee dowlada Somali ka tageeraya ladagaalanka Alshabaab.

Theresa May Resul wasaaraha dalka UK ayaa dooneyna in xariir wanagsan ay layeelato qaar kamid ah dalalka kuyaala qaarada Africa iyadoona safarkeedii ugu horeeyay ay ku tagtay dalka Nigeria taa oo haatan ku sugan South Africa maadama ingiriiska uu qorshenayo sidii uu ugu bixi lahaa midowga yurub.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here