
Xalay waxaa Hawada Muqdisho mar qura soo gashay Diyaarad Guux weyn oo aheyd kuwa Militariga Isticmaalo, taasi oo caga dhigatay Garoonka weyn Aadan Cade International airport.
Diyaarada oo aheyd mida ay isticmaalan ciidamada Military-ga gaar ahaan Military-ga Mareykanka ayaa markii ay caga dhigatay garoonka Diyaaradaha Adan Cade waxaa mar qura isku gadaamay sarakiil katirsan Ciidamada AMISOM iyo kuwa Ajaaibta ee ka howlgala Sooomaaliya.
Mas’uul katirsan maamulka garoonka Diyaaraha Adan Cade International airport Soomaaliya ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in Diyaarad Military kasoo degtay mid muqdisho oo saanad ama qalab u waday Saraakiisha Ciidamada Amisom ee isku hareereeyay.
Ilaaa hada lama oga diyaaradaas Military Saanada ciidamada Amisom ee isku gadaamay ay u keentay, iyo waxa at tahay qalabkaasi laga dajiyay garoonka Diyaaraha Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
Diyaarad guuxeedu uu aad u xooganaa oo loo maleynayo inay tahay mid ka mid ah diyaaradaha Millatari ee Mareykanka ayaa caawa ka soo degtay garoonka diyaaradaha Aadan cadde, ciidan AMISOM ah ayaa isku geedaamay diyaaradda oo kala degay sahnad ciidan.
