Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax gaari ku xirnaa oo caawa ka dhacay Wadada Hormarta Carwadii Hore ee Qaranka degmada Hodon ee Gobolka Banaadir.
Qaraxaan ayaa jugtiisa waxaa laga maqlay xaafadaha Degmadda Hodan,wuxuuna ku xirnaa gaari kuwa raaxadda ah.
Laamaha Caafimaadka waxa ay xaqiijiyeen in laba ruux dhaawacantay qaraxa oo midi uu yahay wadihii gaariga, sidoo kale waxaa goobta gaarigu ku qarxay soo gaaray burbur Isku socodka dadka iyo gaadiidka ayaa daqiiqado hakad ku jira.
Ilaa haatan lama oga shaqsiga qaraxaan gaarigiisa loogu xiray.

