Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ayaa sheegaya in gudaha degmadaasi laga maqlayo rasaas xoogan oo u dhaxeysa maleeshiyaad qaab qabiil u abaabulan oo isku haya dil maalma ka hor ka dhacay xaafad katirsan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan Soomaaliya.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu maqlayo rasaas xoogan oo ka dhacaysa mid kamid ah xaafada magaalada, oo ay isku hor fadhiyaan maleeshiyaad isku qabtay dil 3 maalin ka hor wiil bajaajla ahaa askari katirsan maamulka Hirshabeelle uu ku dilay gudaha magaalada Baladweyne.
Sarkaal katirsan ciidamada Jabuuti ee gobalka Hiiraan ayaa Radio Simba u xaqiijiyay rasaasta laga maqlayo xaafada raadeelka oo ka tirsan Baladweyne, sarkaalka ayaa sheegay in ciidamo loo diray xaafada ay ku wada dagaalamayaan mudda saddexda maalin labada maleeshiyaad walaala ah.
Mamulka gobalka oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa sheegay iney ku howlan yihiin dajinta xiisada ka dhax aloolsan maleeshiyaad kala taabacsan askari dil ka geystay magaalada iyo ehelada wiil bajajla ahaa oo askarigaasi uu ka danbeeyay dilkiisa saddex maalin ka hor.
Wali majirto cid xaqiiji karta khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama uu socdo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya xiisada magaalada Baladweynen in kulan deg deg ah ka yeesheen masuuliyiinta gobalka kan degmada iyo saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee gobalka Hiiraan.

