Kooxo hubaysan oo dil ka geystay Degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

0

Wararka Ka imaanaya Degmada Baardheere ee gobolka gedo ayaa sheegaya in Xalay Kooxo hubaysan ay halkaasi ku dileen Sarkaal la sheegay inuu horay ugasoo goostay Xarakada Al-shabaab iskuna dhiibay maamulka degmada Baardheere ee Dowladda Soomaaliya.

Ruuxaan ay toogteen Kooxaha hubaysan ayaa magaciisa lagu sheegay hariye Cali Joogtaan horayna A-shabaab uga tirsanaa haddana la xaqiijiyey in uu ka mid ahaa Maamulka degmadaasi,dilka ruuxaan ayaa dhacay wax yar un ka dib markii uu Salaadda Cishaha uu ku oogay masjid ka mida Masaajidada ku yaalla degmadaasi xilli uu gurigiisa kusii jeeday.

Kooxihii hubaysnaa ee weerarka fuliyey ayaa markay dilka geysteen waxay durbaba ka baxsadeen goobta waxaana la sheegay in ay dhawr qof ka koobnayeen islamarkaana ay hubaysnaayeen.

Wararkii ugu dambeeyey ee ka imaanaya  saaka degmadaasi  ayaa sheegaya in uu kasocdo howlgal ballaaran oo ciidanka dowladdu ay ku baadigoobayaan kooxihii dilka geystay,Waxaana dhawr mar degmadaasi ka dhacay dilal ay geysanayaan kooxo hubaysan iyo  weeraro ay fulinayaan dagaalyahanno ka tirsan Xarakada Shabaab mana jirto Cid ilaa iyo hadda sheegatay masuuliyadda dilka xalay ka dhacay degmada Baardheere.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here