Dowladda Soomaaliya oo War Kasoo Saartay Wicitaano Shacabka Cabsi Galiyay

0

Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay Numbaro shacabka Soomaaliyeed cabsi galiyayay oo kaga imaanayay dalka dibadiibsa labadii maalin aynu soo dhaafnay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ujeedka wicitaankaas uu yahay burcadnimo, iyo dhicitaanka Hantida shacabka Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka ka soo baxay Wasaaradda.

Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada waxaa soo gaaray cabashada dadweynaha oo ku saabsan taleefoonno ka imanaya dalka dibeddiisa oo wata furaha +43 kuwaas oo loogu talo galay in lagu dhaco shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaraddu waxay la xiriireysaa dalka laga leeyahay lambarradan, iyadoo kala shaqeyneysa sidii arrintaan wax looga qaban lahaa.

Hase yeeshee, waxaan dadweynaha uga digeynaa inay ku kadsoomin lambarrada noocaan oo kale ah oo aysan dib u wicin maadaama ay lacag badan goosanayaan.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here