Maamulka Jubbaland oo sheegay in Sugidda Ammaaka Kismaayo uu ku filanyahay.

0

Maamulka jubaland ayaa sheegay aysan jirin cid ay ka sugayaan sugida amaanka magaalada kismaanyo ee gobalka Jubada hoose oo xarun u ah maamulkaasi islamarkaan ay iyagu habeen iyo maalinba ay u taagan yihiin adkeynta amaanka guud ee magaalada oo marti galin doonta shirka looga hadlayo dooraashooyinka dalka ka dhici doona sanadkaaan 2016.   Afhayeenka maamulka jubaland cabdinaasir seeraar maax ayaa sheegay in maamulkiisu uu u diyaar garoobay marti galinta shirka lagu go’aamindoono nuuca doorshada inta lagu gudajiro sannadkan dalka ka dhacaysa.   Afhayeenka ayaa sheegay in maamulka jubaland uu masuuliyada culus uu iska saarey in shirku uu is nabad galyo ah uu uga furmo kismaanyo ugunasoo gabagaboobo sida uu yiri islamarkaana ay mar hore ay ka sii taxadareen dhanka maamulka oo sheegay in ciidanka jubaland oo kaliya ay diyaar u yihiin ayagoo aysan wehlin ciidanka AMISOM sugidda Ammaanka Magaalada.   Magaalada Kismaayo oo lagu wado inuu ka dhaco shirka ka mida kuwa looga hadlaayo nuuca doorashada ee lagu wado in ay dalka ka dhacdo sannadkaan bartamihiisa ayaa waxaa maalmihii dambe warar la isla dhaxmarayey waxaa ay sheegayeen in Ciidamo Ethiopian ah lagu wareejiyey guud ahaan Ammaanka Magaalada Kismaayo kuwaasi oo badalay Ciidanka Kenya ee iyagu mudada ku sugnaa Magaalada Kismaayo halkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here