Taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka iyo Abaandullaha ciidamada xoogga dalka ayaa maanta xilka kala wareegay Taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka iyo Abaandullihii hore ee ciidamada xogga dalka
goobta ay xilka kula wareegayeen Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe iyo Abaandullaha ciidanka xoogga dalka general Odowaa yuusuf raage ayaa waxaa ku sugnaa Wasiirka difaaca dalka,Taliyaasha ciidamada Booliska, Asluubta ,Saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee soomaaliya iyo Saraakiil ka socotay wadamada tababara ciidamada xoogga dalka
Kooxda fanaaniinta ciidanka xoogga dalka ee Horseed ayaa goobta kusoo bandhigay sugaan u badan gubaabin
general C/wali jaamac xuseen gorod taliyihii hore ee ciidamada xoogga dalka isla markaana maanta wareejiyay xilka taliyaha ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in mudadii uu xilka haayay uu waxbadan ka badalay shaqada taliska ciidanka xoogga dalka isagoona tilmaamay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu maanta wareejiyo xilka taliyaha ciidanka xoogga dalka
Taliyaha ciidanka xoogga dalka S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhoqarshe waxa uu sheegay in uu ka shaqeyn doono sidii dalka oo dhan nabadiidka Al-shabaab looga xureen lahaa
Wasiirka Gaashandhigga soomaaliya Xasan Cali Maxamed (Amar dambe) ayaa faray saraakiisha ciidanka xoogga dalka in ay si daacad ah ula shaqeeyaan taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka isagoona sheegay in uu si dhaw ula shaqeyn doono.


















