Warar kala duwan ayaa laga helayaa laba ruux oo daqiiqado ka hor lagu toogtay gudaha degmada Hodan ee magaalada caasimada ah Muqdisho.
Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa dhoor xabo ku dhuftay laba ruux oo aan ilaa hada la garan waxa ay ahayeen, maadaama jawiga Suuqa Bakaaraha maanta oo ku began maalinta labaad ee ciidul adxaa uu yahay mid faaruq ah, sababa la xiriira qaar kamid gacansatada Suuqa oo ku mashquulsan farxada ciida.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in meydadka labadaasi ruux ay yaalaan Isgoyska Suuqa Bakaaraha oo ah goobta gooshada loogu heystay 2 qof ee aan ilaa hada la garan waxa ay ahayen.
Ciidamada amaanka ayaa soo gaaray daqiiqado kadib dilka labadaasi ruux, kuwaa oo goobta ka qaaday meydadka labada qof oo la garan la yahay cida ay ka tirsan yihiin.
Maamulka degmada Hodan oo xiriiro Simba ay la sameysay si wax ay kaga weydiso ayaan suura galin.

