Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ka Fumay kulan loogu Hadlaayay himilooyinka horumarka Waara ee 2030-ka oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Xukuumadda Soomaaliya,
Kulanka waxaa Furey Ra’isul Wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte waxaana ka qeyb galaya qaar kamid ah Madaxda Maamul Goboleedyada dalka soomaliya aka jira sida Puntland, Juba-land, Koonfur Galbeed iyo Galmudug,
Ahmiyada kulanka hanaanka himilooyinka horumarka waara ee sanadka 2030-ka ayaa waxaa lagu faaqiadayaa 17 hadaf oo u baahan in wax laga qabto sida la dagaalanka faqriga,horumarinta Waxbarashada,ka hortaga isbedelka cimilooyinka,
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah mudane C/raxmaan Yuusuf Cali “Ceynte” iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaasi C/laahi Sheekh Cali Qaloocow oo hadal kooban ka jeediyay kulanka ayaa ka hadlay muhiimada uu kulankaan u leeyahay soomaliya.
Ra’isul wasaare ku xigeenka Dalka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa sheegay in barnaamijkani muhiimad gaar ah uu u leeyahay umada Soomaaliyeed islamarkaana la tashiyo kale duwan la galin doono oo heer qaran noqon doona, waxaana furista kulankani uu ku sheegay in uu ahaa fahamka himilooyinka horumarka waara ee 2030.

