Saraakiil iyo Askar Shabaab ah oo Laga Raadinayo Xaafadaha Marka+Dhageyso

0

Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ee Dowladd Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in Xaafadaha Magaaladda Marka laga baadi-goobayo Saraakiil iyo Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab.

Gudoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose  Maxamed Ibraahim Barre oo la hadlay idaacadda Simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay gacanta ku hayaan Magaaladda,islamarkaana laga saaray Al-shabaab.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in Xaafadaha Magaaladda Marka ay ka socdaan howlgalo lagu baadi-goobayo Saraakiil iyo Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab,kuwaasi oo la aamisan yahay in ay ku sugan yihiin Xaafadaha Magaaladda ayna soo maleegayaan weeraro.

Dhanka kale waxaa saakay dagan Xaaladda magaaladda Marka ee Gobolka Shabeelaha Hoose oo shalay ay la wareegeen Ciidamo uu hogaaminayo Jeneraal C/laahi Cali Caanood Abaanduulihii hore ee Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

Al-shabaab oo dagaalkaan ka hadlay waxa ay sheegeen in ay magaaladda Marka dhankooda joogaan,islamarkaana ay shalay ku dileen magaaladda 10-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here