Wararka ka imaanaya gudaha magaalada Marka ee Xarunta Gobalka Shabeellaha hoose ayaa sheegaya in qaraxyo xoogan lala eegtay kolonyo katirsan ciidanka dowladda oo uu hogaaminayo Abaan Duulihii ciidamada Xooga ee dhawaan xilkii uu ka qaaday madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Juqta Qaraxyada ayaa laga maqlay gudaha magaalada, waxaana xigay rasaas xoogan oo ay fureen ciidamada dowladda ee qaraxa lagu weeraray, sida uu noo xaqiijiyay mid kamid ah dadka deegaanka.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyadaasi lala eegtay ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya oo saakay gudaha u galay degmada Marka.
Sarkaal katirsan ciidanka dowladda ee gobalka shabeellaha hoose ayaa Radio Simba u xaqiijiyay iney jiraan qaraxyo laga maqlay magaalada, balse waxuu sheegay inuusa faah faahin dheeraad ah ka bixin Karin maadaama uu sheegay inuu ka war qabay maanta in ciidamada ay wadeen baaritaano dhanka miinada dhulalka lagu aaaso ah
War rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in ugu yaraan 10 Askari ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen qaraxyadii maanta ka dhacay magaalada Marka, wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxyada kadib rasaas xooggan laysku dhaafsaday waddooyinka magaalada, Ciidamadda dowladda ee gudaha ugalay xarunta Sh/hoose waxaa wata Jeneraal Caanood oo khamiistii lasoo dhaafay xilka ka qaaday.

