Doorashadda Seddex Kursi oo Ka Banaan Baarlamanka Soomaliya oo La Qabanayo

0

Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inay bilaabeen howsha soo buuxinta 3-kursi oo ka bannaan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibrahim (Yarey) oo shir jaraaid ku qabatay Magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in doorashadda seddexda kursi lagu qaban doono magaalooyinka Baydhabo iyo Dhuuso-mareeb.

Kuraastaan ayaa waxaa baneeyay Agaasimaha Hay’addda Nabadd Sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA), Xuseen Cusmaan Xuseen oo laga soo doortay magaaladda Baydhabo, Cabduqaadir Gaafow Maxamuud oo doorashadiisa muran dhalisay balse iscasilay dhawaan oo laga soo doortay Cadaado iyo Marxuum Khaliif C/llaahi Dheere oo Apr 28, 2018 –kii ku geeriyooday Magaaladda Muqdisho oo muddo ku xanuunsanaa oo laga soo doortay Koonfur Galbeed Soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here