Dowladda Soomaaliya oo Ka Hadashay In Jeneraal Caanood Ciidamo La Goystay

0

Taliska ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed ayaa ka hadlay wararka been Abuurka ah ay Warbaahinta ka faafiyeen Abaandullihii hore ee ciidanka xoogga dalka general Cabdullahi Cali Caanood.

Gaashaanle sare C/xamiid sheekh Cali Xaydar taliyaha hogaanka siyaasadda iyo wacigalinta ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in aysan jirin ciidan ama gaadiid dagaal uu la baxsaday Abaandullihii hore ee ciidanka xoogga dalka.

‘’Abaandulihii hore ee CXD general Cabdullahi cali caanood ciidan ama gaadiid mala baxsanin wadankiisa ayuu joogaa lama baxsan doono waana erey jaa’ifo ah oo gaf ah’’

Sidoo kale waxaa uu sheegay G/sare C/xamiid in Abaandullihii hore ee ciidanka xoogga dalka loo diray howlgal isla markaana uu hada uu ku guda jiro howlgalo Al-shabaab looga xureynayo wada isku xertada magaalooyinka shalanbood iyo Marko.

Dhanka kale G/sare Cabdi Xamiid Sheekh Cali waxaa uu dagniin adag uu u diray Idaacadaha ku howlan faafida dacayadaha iyo borobogaadanda isagoona ugu baaqay in ay ka shaqeyaan horumarka uu dalka ku tilaabsanayo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here