Illaa lix xubnood oo ka tirsan Kastamka Canshuuraha Dekedda Magaaladda Muqdisho ayaa xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeeyay Musuq-maasuq.
Ciidamadda dambi baarista CID ee Booliska Soomaaliyeed ayaa gudaha u galay galabta xafiisyadda Kastamka Canshuuraha Dekedda,waxayna halkaas kasoo xireen ilaa lix xubnood.
Xubnaha la xiray ayaa waxaa ku jirta Maamule kuxigeenka Kastamka Canshuuraha Dekedda Muqdisho oo ah Haweeney iyo shan kale oo rag ah.
Sidoo kale Ciidamadda dambi baarista CID ee Booliska Soomaaliyeed ayaa baaritaano ku sameeyay xafiisyadda,waxaana hakad galay howlihii xafiiysadda ay qabanayeen.
Warar soo baxaya aya sheegaya in xafiiska Hanti dhowrka Guud uu mudooyinkii dambe la socday howlaha xafiisyadda Kastamka Canshuuraha Dekedda Magaaladda muqdisho.

