Xog Ku Saabsan Safarka Farmaajo Ee Turkiga

0

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Jimca ah u ambabaxay Dalka Turkiga.

C/nuur Maxamed Axmed Agaasimaha Madaxtooyada ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweynaha iyo Madaxweyne Ordogan ay ka wada hadli doonaan adkaynta xiriirka Walaaltinimo ee Labada Dal, iskaashi ku aaddan xoojinta dhaqaalaha,ammaanka,is-dhaafsiga ganacsiga iyo maalgashiga.

Madaxweynaha ayaa inta uu Turkiga jooga wuxuu halkaas kaga qayb geli doonaa kullanka Lixaad ee ay yeelanayaan golaha wakiillada ee Xisbiga haatan talada Dalka haya ee AK Part, shirkaas oo dhici doono Berri oo ay Taariikhdu tahay 18-ka Augost.

Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Jabuuti kusii sagootiyay Madaxda ugu sarreysa Dalkaas.

Ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in madaxweynaha Soomaaliya safarkiisa dhanka Turkiga uu la xiriiro garab istaaga dowladda Turkiga oo Mareykanka uu kusoo qaaday dagaal dhanka dhaqaalaha ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here