Faah Faahin: Khasaaraha Rasmiga Ee Ka Dhashay Weerar Lagu Qaaday Gaari Hoomey Ah

0

Wararkii ugu danbeeyay khasaare ka dhashay weerar lagu qaadi gaari rakaab ah oo marayay inta u dhaxeysa Magaalooyinka Ceelwaaq & Mandera oo ka tirsan G/Waqooyi bari ee ay Kenya maamusho.

Ila la xaqiijiyay saddex ruux ayaa ku dhaawacmay halka sido kale uu jiro burbur gaaray gaari nooca Soomaalida u taqaano Homeyda oo ay saarnayeen rakaab halkaasi ka gudbayay.

Maamulka degmada Ceelwaaq oo Simba xiriiro ay la sameysay ayaa sheegay inuu jiro weerarkaasi oo kooxo hubeysan ay ka qaadeen gaari dad shacab ay saarnayeen oo marayay duleedka D/Ceelwaaq.

Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka deegaan lagu Magacaabo wargaduud,waxaana dadkii ku dhaawacmay rasaasta ay ku fureen Kooxaha hubeysan lagu dabiibayaa Isbitaalka guud ee Mandera.

Sawiro laga soo qaaday rakaabkii saarnaa gaariga ayaa muujinayay 3 ruux oo dhaawacyo ay ka muuqdaan, sido kale Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerarkaasi khasaaraha dhaliyay.

Daawo Sawirro Laga Soo Qaaday Rakaabka Gaariga Ee Dhaawacyada Soo Gaareen.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here