Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar lagu qaaday kolonyo katirsan ciidamada dowladda uu la socday Abaan duulihii ciidanka xoogaa dalka Janaraal C/Llaahi Cali Caanood ee uu shalay xilkii ka qaaday Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.
Sarkaal katirsan Military-ga dowladda oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in qarax miino dhulka lagu aasay ay la kacday mid kamid ah gadiid gaarayay 46 Cabdi Bille oo uu watay Abaanduulihii hore ee ciidanka, oo marayay inta u dhaxeysa degmada Afgooye, Beerta Cali Mahdi iyo Laanta Buuro.
Inta la xaqiijiyay qaraxa ayaa bur buriyay gaari Cabdi Bille oo kamid ahaa kolonyada galbineysay General C/Laahi Cali Caanood, sido kale waxaa jira khasaare dhimasha & dhaawac ka dhashay Qaraxa.
Xiriiro idaacada Simba ay la sameysay maamulka degmada Afgooye ayaa ka gaabsaday faah faahin iney ka bixiyaan qaraxa miino ee lagu weeraray kolonyo ciidan oo uu la socday Janaraal Caanood.
Wali majirto cid sheegatay mas’uuliyada weerara qaraxa miino ee dhulka lagu aasay.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in ciidamo katirsan Military-ga dowladda ay ku sugan yihiin goobta uu ka dhacay qaraxa oo aan sidaa kaga fogeyn degmada afgooye ee gobalka SH/Hoose.
Waxii Kusoo Kordha Kala Soco Radio Samba
Ama www.simbanews.com ama net

