Madaxweyne Axmed Cabdi oo Ka Hadlay Qalalaasaha Wali Ka Taagan Magaaladda Jigjiga

0

Madaxweynaha Cusub ee DDSI Axmed Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay rabshadaha wali ka taagan Magaalada  Jigjiga oo sababay barakac,dhac,dhawaac iyo  dhimasho.

Madaxweyne Axmed ayaa fariin u diray duubabka dhaqanka iyo culimada inay wacyi galin deg deg ah sameeyaan oo ay Masjidyada ka wacdiyaan siloo dajiyo xiisada daganaasho amnina loo helo.

Madaxweyne Axmed Cabdi Maxamed oo si laab qaboojin ah dadka ula hadlayay ayaa yiri “anaga ka dowlad ahaan dadka ay dhibaatadu soo gaartay qoysqoys iyo shakhsi ayaan u la kulmi doonaa si an murugada ula qeybsano”,

Xaalada magaalada Jigjiga ayaa saaka dagan waxaana wali socda shirar gaar gaar ah oo looga arinsanayo xasilinta magaalada iyo dajinta dhalanyarada kacdoonsan iygoo koox koox ah wili magaalada kawada fowdo.

Madaxweynihii Isniintii  xilka ka degay ee dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa lagu soo waramayaa in ciidammada militariga federaalka ay u ka xeysteen dhinac magaalada Addis Ababa kadib markii ay shalay ciidamo isku  geedaameen gurigiis kana ka xeysteen waxayna talaabadan  magaalada Jigjiga ka abuurtay xiisad hor leh .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here