Wasiirka Maaliyadda Hir-shabeelle iyo Mas’uuliyiin Kale oo Musuq-maasuq Ku Eedeysan!

0

Sida ay heshay Idaacada Simba,Wasiirka Maaliyada hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle ayna wehliyaan Mas’uuliyiinta, Maamulka Gobalka Hiiraan oo ay ku oogan yihiin eedeymo culus ayaa  loo qabtay 24-Saacad gudahood ay ku yimaadaan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe, si su’aalo lagu weydiido eedeymaha loo heyso oo sababi kara inay maraan ciqaab adag.

Wasiirka Maaliyada Maamulka Hirshabeelle Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Gobalka Hiiraan Sufurow,Duqa Baladweyne Qalaafoow iyo Gudoomiyaha Degmada ayaa loo heystaan inay ku Kaceen Musuq-maasuq Xoogan oo ay ku sameeyeen,Canshuuraha Gobalka,Gurmadka dadkii ay Fatahaado Barakicisay iyo Dhaqaalale oo ay bixiyeen Hay’adaha Samafalka Gobalka Hiiraan ka Howlgala,dhaqaalahaasi oo ay danahooda ku fushadeen.

Sida ay heshay Idaacada Simba eedeymahaan  waxaa ku Xusan heshiis is afgarasho oo dhex maray Madaxda Gobalka Hiiraan iyo Wasiirka Maaliyada hirshabeelle Maxamed Maxamuud Cabdulle, kaasi oo ay ku qeybsadeen dhaqaalaha Gobalka Hiiraan oo ayagu ay dantooda gaarka ah ay u isticmaaleen, taasina waxaa ay keentay in maanta looga yeero Magaalada Jowhar.

Madaxweynaha Maamulka Hirsgabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa amaray in 24-saac Gudahood ay Jowhar ku Yimaadaan Wasiirka Maaliyada iyo madaxda Maamulka Gobalka iyo Kan degmada Baladweyne oo lunsaday Dhaaqalihii Gobalka Hiiraan kuwaasi isqab-baqsi dhanka maamulka ah ka dib ay dibada u soo baxeen eedeymahaan hada ku oogan.

Wararka aan ka helayno Magaalooyin Baladweyne iyo Jowhar ayaa Sheegaya mas’uuliyiinta loo yeeray Baarintaan ka dib uu qorshuhu yahay in Shaqada laga Cayriyo Maadaama ay galeen danbiyo musuq-maasuq iyo Daganaasho la’aan dhanka Maamulka ah

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here