Wararka inaga soo gaaraya Magaaladda Jigjiga ee Dowladd deegaanka Soomaalida Ethopia ayaa sheegaya in madaxweynihii dowladd deegaanka soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar uu xilka iska casilay.
Iscasiladda Madaxweynihii Dowladd deegaanka Soomaalida Ethopia ayaa lagu shaaciyay Kulan galabka ay yeesheen Guddiga Fulinta ee Dowlad deegaanka Soomaalida.
Madaxweynaha Dowladd deegaanka Soomaalida Ethopia ayaa loo magacaabay Mudane Axmed Cabdi Maxamed(Ilkacase).
Dhanka kale Ciidamo aad u hubeysan oo ka socda dowladda dhexe ee Itoobiya ayaa gudaha u galay magaalada Jigjiga ee xarrunta ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Sida ay baahisay idaacadda afka dowladda ku hadasho ee Fana, wasaaradda gaashaandhigga dalkaasi, ayaa ku warantay in gelidda ciidamada ee magaalada ay ku timid codsi uga yimid maamulka Soomaalida ee Itoobiya.
Waxay Fana sheegtay in ay ciidamadu si dhaqso leh u billaabi doonaan howl gallo.
Banaan-baxyadda ka dhacay Magaaladda jigjiga iyo Magaalooyinka kale ayaa waxaa ku dhintay ku dhawaad 20 ruux oo qowmiyado kala duwan kasoo jeeda.

