Warar dheeri ah ayaa laga helayaa ciidamo fara badan oo maanta lagu arkayo qeybaha kala duwan degmada Cadale ee gobalka shabeelaha dhaxe Soomaaliya.
Ciidamada ayaa ka kooban Military Nabad sugid iyo cidamada maamulka degmada Cadale waxaa lagu arkayaa gudaha magaalada, kadib markii maal mahii ugu danbeeyay deegaano hoos yimaada degmada oo ay ku dagaalamayeen labadii maalin ee ugu danbeysay maleeshiyaad walaala ah.
Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in shacabka ku sugan gudaha magaalada ay guryahooda hoos ka wada xirteen sababa la xiriira cabsi ay ka muujiyeen ciidamo huwan ah oo gaaf wareegaya xaafadada kala duwan degmada Cadale ee gobalka Shabeelaha Dhaxe.
Gudoomiyaha degmada Cadale Xuseen Muxiyadiin Cabdalla oo la hadlay Idaacada Simba ee Muqdisho ayaa sheegay ujeedada ka danbeysa ciidamada Nabad Sugida iyo Militaryga ee gaaf wareegaya dhamaan gudaha magaalada in ay tahay, dirir dhax martay maleeshiyaad u kala saftay laba beela oo walaala ah, balse uu dhax maray dagaal dhaliyay khasaaro shacab aan waxba galabsan iyo labada dhinac intaba.
Gudoomiyaha oo sii hadlayay ayaa baaq u diray labada maleeshiyo ee wali isku hor fadhiya deegaano hoos yimaada degmada Cadale ee gobalka shabeelaha Dhaxe Soomaaliya.

