Faah-faahin:-Askari Lagu Dhex Dilay Masaajid Ku Yaala Muqdisho

0

Kooxo hubeysnaa ayaa xalay askari ka tirsanaa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya waxa ay ku dhex dileen Masaajid ku yaala Degmadda Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa askariga ayaa la toogtay xilli uu u taagnaa rakcadii ugu dambeysay ee Salaadda cishaha oo uu la tukanayey jameecada masaajidka,waxaana dhowr xabadood kaga dhacay qeybaha sare ee jirka.

Sidoo kale rasaastii lagu dilay askariga waxaa ku dhaawacmay qof kamid ah jaamacadda masaajidka,kaasi oo dhaawiciisa loo qaaday goobaha caafimaadka Degmadda Xamar Jajab ee gobolka Banaadir.

Kooxihii ka dambeeyay dilka ayaa goobta isaga baxsaday,waxaana durbadiiba goobta soo gaaray Ciidamadda amaanka Dowladda Soomaaliya oo sameeyay howlgalka aan dad lagu qabanin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here