Ciidamada Ethopia oo La Wareegay Xarumihii Dowladd Deegaanka Soomaaliya+Sawirro

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Jigjiga ee dowladd deegaanka Soomaaliya Itoobiya ayaa ku waramaya in maanta ay xiisadd halkaas ka jirto.

Ciidamadda Milatariga Itoobiya ayaa lagu arkayaa bartamaha Magaalada Jigjiga,kuwaasi oo wata gaadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan gaar ahaan kuwa loo yaqaano Uuraalka,waxayna goordhaweyd la wareegeen TV-ga Maamulka iyo Xarun lagu magacaabo Qaryaan Dhoodaan iyo meelo kale oo xarumaha Maamulka ah.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in arintaan ay ka dambeysay kadib markii xubno ka mid ah ismaamulka Somalida damacsan yihiin in ay xiriirka u jarayaan dowladda Federaalka ee Itoobiya, kadib markuu uu fashilmay kulan dowladda dhexe ee Itoobiya ugu yeertay Adis ababa Madaxweynaha Dowlad Degaanka Soomaaliya Cabdi Maxamuud Cumar.

Dhanka kale Raxmo Maxamuud Haybe oo ka mid ah Golaha Wasiirrada dowlad deegaanka ayaa laga soo xigtay in ilaa hadda aan la ogeyn halka uu ku suganyahay Madaxweynaha Dowladd deegaanka,iyada oo wararka qaar ay sheegayaan in Xabsi Guri yahay.

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal heyn ku aadan in dadka dowladd deegaanka Soomaaliya Itoobiya ay doonayaan in isbadal uu dhaco,islamarkaana xilka laga tuuro Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here