Marun Baa Al Shabaab In Lagala Wareegay Deegaanka Baba-Weyne + Dhageyso

0

Warar dheeri ah ayaa laga helayaa dagaal dhax maray ciidamada Xarakada Al shabaab iyo maleeshiyaad taabacsan maamulka isku magacaabay Westland ee ka howlgala gobalo katirsan Soomaaliya.

Maleeshiyada taabacsan mamulka iskii isku magacaabay ee Westland ayaa weerar ku qaaday deegaan lagu magacaabo Baba-weyne oo qiyaas ahaan 30 KM dhanka degmada Xudur ku beegan.

Goobjooge la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay inuu jiro dagaal dhax maray ciidamada Al shabaab iyo maleeshiyaadkaasi, balse uusan ilaa hada cadeen Karin khasaaraha labada dhinac kala gaaray.

Hogaamiyaha maamulka Westland Maxamed Ibraahim Aadan Shaati oo la hadlay Idaacada Simba ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho ayaa faah faahin ka bixiyay weerarka maleeshiyadiisa ay ku qaadeen Xoogaga Al shabaab ee ka howlgala deegaanka Baba-weyne ee duleedka degmada Xudur.

Hogaamiye Shaati ayaa sheegay in maleeshiyaadka maamulkiisa ay la wareegeen deegaanka, waxuu sido kale sheegay iney sugayaan gurmad dhanka ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Bakool oo dhawaan soo gaari doono deegaanada hada gacanta ay ku hayaan maleeshiyaadka maamulkiisa.

Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Hogaanka Al shabaab oo ku aadan ka bix itaanka ciidamada Al shabaab ee deegaanka Baba-weyne oo duleedka kaga beegan degmada Xudur ee gobalka Bakool.

Dhageyso Codka Hogaamiyaha Maamulka Westland Maxamed Ibraahim Aadan

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here