Shacab Soomaaliyeed ayaa siyaabo kala duwan uga hadlay hadal dhawaan kasoo yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo uu kaga dalbanayay beesha caalamka in xayiraada saaran laga dul qaado dowladda Eritrea ayaa waxaa hadalkaasi damiirkooda aqbali wayay shacab Somaaliyeed.
Carada ka dhalatay hadalka madaxweyne Farmaajo ee uu kaga dalbaday caalamka in xayiraada dhanka hubka ah laga qaado Eritrea si ay u xoojiso ciidamadeeda Military-ga ayaa ciilka iyo carada ka dhashay hadalkaasi, waxaa isku dishay Hooyo Soomaaliyeed aad hadalkaasi kaga xumaatay.
Hooyo Soomaaliyeed oo ka carootay baaqii Madaxweynaha Soomaaliya ee ahaa in cuna qabateynta laga qaado Eritrea iyadoo heysata dhul Jabuuti ay leedahay, ayaa sun ku cabtay Tuulada Ceel-baraf ee gobolka SH/Dhexe, taa oo markii danbe u geeriyootay suntaasi ay u cabtay carada Farmaajo dartiis.
Maamada is dishay ayaa heysatay tiro caruur ah waxaana lagu magacaabi Jiray Xaliimo Calasow.
Ehelada Hooyadaasi Soomaaliyeed ayaa ka hadlay sababtaasi keentay iney isku disho, waxeyna ku sheegeen hadaladii ugu danbeeyay ee afkeeda laga helay iney ahaayeen…
“Ma Anaa ka Abaal dhici Kara Abaalkii Ay Inoo Galeen Dowladda Jabuuti” Weyna is dishay.
Alaha U Naxariisto Xaliimo Calasow


