Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta gaaray Magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.
Waare iyo wafdigiisa waxaa Magaaladda Beledweyne kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka Hiiraan ee hir-shabeelle iyo saraakiil ciidan.
Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonan karo Madaxweyne waare ayaa isla maanta gaaray deegaanka Ceel jaale wuxuuna halkaas uu kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Jabuuti.
Kulankaan ayaa loogu hadlay in Ciidamadda Jabuuti aan ka bixin Gobolka Hiiraan,islamarkaana aysan saameyn ku yeelanin khilaafka haatan u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti.
Ciidamadda Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa saldhigyo badna waxa ay ku leeyihiin deeganada Gobolka Hiiraan,waxayna dagaal ay kula jiraan Ciidamadda Al-shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya maxamed C/laahi maxamed Farmaajo ayaa dhawaan Magaalada Asmara ee dalka Eriteria ka sheegay in xiligaan loo baahan in cunaqateynta laga qaado dowladda Eriteria.
Balse Dowladda Jabuuti oo dagaal uu kala dhaxeeya Eriteria ayaa hadalkaas ka hortimid waxaana Magaalada MUQDISHO ISAGA BAXAY SAFIIRKA Dowladda Jabuuti ee Soomaaliya.

