Howlo burburin ah oo Saakay ka Socda Nawaaxiga Xaafada Zona-k ee degmada Hodon

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya ayaa saakay Howlo burburin ah waxa ay ka wadaan xaafada Zona-k ee degmada Hodon ee Gobolka Banaadir,

Dad ku sugan degmada Hodon oo la Hadlay idaacada simba ayaa sheegay in saakay aroortii ay xaafadaas yimaadeen ciidamo ka Tirsan kuwa Booliska oo wata gadiidka wax lagu burburiyo iyagoona dambacsan in ay burburiyaan, guryaha ku yaala nawaaxiga Zona-k

Dhanka kale dad ka careysan arintaas oo diidan in ay ka guuraan guryaha halkaas ku yaala ayaa saakay bilaabay in ay is hor istaagaan ciidamada dowlada soomaliya iyadoona haatan lasoo sheegayo in labada dhinac ay halkaas isku hor fadhiyaan.

Warar soo baxaya aya sheegaya in dhulka ay leeyihiin Ganacsato soomaliyeed kuwaasoo doonaya in goobahaas guryaha ku yaala la burburiyo,

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here