Afhayeenkii hore ee Maamulka Gobolka shabeelaha Hoose ee Maamulka koonfur Galbeed soomaliya Maxamed xuseen Shiino oo la Hadlay idaacada simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ugu baaqay shacabka dagan Gobolka shabeelaha Hoose in ay sameyntaan Maamul ka madax banaan Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.
Maxamed xuseen Shiino afhayeenkii Hore ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa ka Hadlay sababihii keenay in uu iska casilo xilkii afhayeenimo uu u yahay Maamulka koonfur Galbeed soomaliya, mudooyinkii dambe,
Dhanka kale Waxa uu sheegay Maxamed xuseen Shiino in Maamulka Koonfur Galbeed uu ku guuldareystay arimihii loo dhisay markii Hore isagoona Tilmaamay in dadka u shaqeeya Maamulka aysan helin wax mushaar ah, taasina ay keentay in uu iska casilo xilka.

