Gudoomiyihii hore ee gobolka Sool Cabdi Kharye Dirir oo lahadlay Idacada Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay sababaha looga qaaday xilkii uu ugu magacownaa Soomaaliland.
Hogaamiye Dirir ayaa sheegay in xilku meerto yahay xili uu ka gaabsanayey su’aalo dhowr ah oo la xiriira xil ka qaadistiisa, dhawaan hogaanka maamulka Soomaaliland uu ka sameeyay.
Gudoomiyaha ayaa beeniyay in khilaaf jiray dartii looga qaaday xilka isagoona waxba kama jiraan ka soo qaaday wararkaasi lala xiriirinayay in shaqada looga eeriyay.
Dhageyso Codka: Gudoomiyihii Hore Ee Gobolka Sool Cabdi Kharye Dirir

