Maxaa Kala Socotaa Ciidamada Kenya Oo Dilalka Iyo Dhac Ka Geystay Gobalka Gedo + Dhageyso

0

Saraakiisha ciidamada dowlada ee gobolka Gado ayaa Millatariga Kenya ku eedeeyay inay tacadiyo  dhac iyo  falal dil ah ka geystaan deegaano kamid ah gobolka Gado

Falkii ugu dambeyay ayey ciidanka Keenya waxay ka geysteen dagmada Ceelwaaq ee gobolka Gado sida sarkaal katirsan dowlada uu u xaqiijiyay Idaacada Simba ee Magaalada Muqdisho.

“Ciidanka Keenya waxa ay soo qabteen 2 nin oo reer Miyi ah kuwaas oo Seyladda Suuqa Xoolaha ee Ceel Waaq u soo safarsaday Geel  waxaana ka dib raggaasi loola dhaqaaqay goob aan la ogeyn” sida uu sheegay  korneel Cali Yacquub oo katirsan saraakiisha ciidanka dowladda ee Gobalka Gedo.

Sarkaalkan ayaa sidoo kale maamulka Jubbaland ku eedeeyay  damiir xumayaal  aan dhiig laheyn kana damqaneynin dhibaatooyinka soo gaaraya dadka rayidka ah oo ay Keenyaatiga geysanayaan

Ciidamada Kenya ayaa u muuqda kuwa dilalka iyo afduubyada ay ka geysanayaan deegaanada Gedo aynan jirin cid kula xisaab tameysa iyo in ay doonayaan wiiqitaanka dhaqaalaha ganacsatada, waxaana dhawaan ay dumiyeen xarumo ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, iyadoona shirkaddu ay soo saartay baaq cabasho ah oo ku aadan ciidamada Kenya ee xarunta iyo dadkeeda ay ku gubay G/Gedo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here