Dowladda Uganda ayaa waxa ay sheegtay in todobaadkan ay soomaaliya soo gaari doonaan ciidamo ka socda dalkaasi kuwaa oo la filayo in ay qeyb ka noqdaan ciidamada Midowga Africa Amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.
Paul Muwanguzi taliyaha guutada la filayo in ay usoo talaabaan soomaliya ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in ciidamadda ay gaarayaan 1,000 askari oo tababar sare loogu qaadayo heerka aqooneed ee cidankaasi loogu soo gabagabeeyay bishaan July 16 keedii xarunta tababarka taageerada nabada ee midowga Africa ee Singo ee kutaala dagmada Nakaseke ee dalkaasi Uganda.
Ciidankaan ka socda dalka Uganda ee la filayo todobaadyadan in ay soogaaraan gudaha soomaaliya ayaa imaanaya kadib markii bishii August ee sanadkii hore dowlada Uganda ay shaacisay in ay kala baxeyso dalka ku dhaawaad 1,000 askari taa oo ay sheegtay in uu dhamaaday waqtigii loogu tala galay ee kasii mid ahaan shaha howlgalka midowga Africa ee nabad ilaalinta ay ujoogeen soomaaliya
Dhinaca kale Paul Lokech Taliyaha ciidamada Uganda ee kusugan soomaaliya ayaa sheegay in ciidankan ay si gooni ah kaga howl gali doonaan gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan Marka, Shalanbood, Masla, Qoryooley, iyo deegaano kale oo hoos yimaada gobolkaasi si ay ula dagaalaman xarakada Alshabaab
Dalka Uganda ayaa kamid ah dalalka ugu badan ay ciidamo ka joogaan dalka kuwaa oo dowlada somaliya kataageera ladagaalanka Alshabab

