Shacabka Kenya oo Dalbaday in Ciidamadooda Laga Soo Saaro Soomaaliya

0

Shacabka kunool Gobolka Waqooyi bari dalka Kenya ayaa dowladda ka dalbaday in ay ciidamadooda kala soo baxaan Somaaliya kuwaa oo sheegay in ay sare usii kaceen weerarada ay Al-shabaab ka geysanayaan xuduuda ay wadaagaan Labada dal.

Omar Mohamed oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Kenya ee laga soo doortay woqooyi bari Kenya ayaa dhanka kale sheegay in arintani ay qatarteeda leedahay islamarkaana maalinta bari uu hordhigi doono xildhibaanada  dalkaasi si wax loogu qabto dhibaatooyinka ka taagan Magaalada Mandeera ee waqooyi bari Kenya iyo sidii ay dowlada go’an kaga gaari laheyd sidii ay ciidankeeda kala soo bixi lahaayeen gudaha soomaaliya.

Xildhibaankan ayaa dhowr jeer oo hore kiiskan hordhigay baarlamaanka Kenya si loo soo afjaro howlgalka ciidamada Kenya ee qeybta ka ah ciidamadda nabad ilaalinta ujooga dalka kuwaa oo dowlada somaliya kataageeraya ladagaalanka Alshabaab.

Todobaadkan ayey aheyd markii xubno katirsan Alshabab ay weerar ku qaadeen kolonyo ay saarnaayeen saraakiil katirsan ciidamada Police Kenya oo marayay deegaanka Lamu halkaa oo lagu dilay labo sarkaal halka saddex kale dhaawac uu kasoo gaaray weerarkaasi.

Tan iyo sanadii 2011 kii dalka Kenya ayaa laguha  lagalay dhibaatooyin oo ay kala kulmayaan xarakada alshabaab oo inta badan weeraro dhiig badan kudaata kageysta gudaha dalkaasi kadib markii ay ciidamo ugu deeqeen howlgalka midowga Africa amisom ee nabad ilaalinta ujooga soomaaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here