DEG DEG: Duqeyn Lagu Weeraray Diyaarad Helicopter-Ka Ah Oo Ka Dageysay Saldhig Milatari Oo Ku Yaal Baraawe

0

Wararka ka imaanaya gudaha magaalada Baraawe ayaa sheegaya in Tiro Madaafiic ah lagu weeraray  diyaarad Helicopter-ka ah xilli ay ku soo dageysay saldhig Milatari oo ku yaalla duleedka degmadaasi.

Goobjooge ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in dhowr madfac  lagu tuuray xarun ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Ambareeso duleedka Baraawe ee gobalka Shabeelaha Hoose.

Lama oga khasaaraha rasmiga ee ka dhashay madaafiicda, maadaama xiliga duqeynta lagu qaadayay xaruntaasi ay caga dhiganeysay diyaarad Milatary  oo nooca Helicopter-ka ah.

wararka qaar ayaa sheegaya in duqeyntaasi ay geesatay khasaare dhimasha iyo dhaawac ah.

Maamulka degmada Baraawe oo xiriiro ay la sameysay Idaacada Simba ayaa suura galin.

War rasmi ah oo ka soo baxay Al shabaab ayaa lagu sheegtay mas’uuliyada madaafiicdaasi.

“Madaafiic ayaan ku weerar-nay Diyaarad Milatari oo nooca Helicopter-ka ah xilli ay ku soo dageysay saldhig Milatari oo ku yaalla duleedka degmada Baraawe, madaafiicda waxaa ay ku dhaceen meel aan ka fogeyn diyaaradda taas oo keentay in qalqal weyn uu ka dhaco gudaha saldhigga, ugu danbeynna diyaaraddii ay carartay iyadoon wax sahay ah dajin”  ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Al Shabaab.

Xarakada Al shabaab ayaa sido kale sheegay in duqeyntaasi khasaare lagu gaarsiiyay ciidamo ku xoomay diyaaradda si ay sahayada uga dajiyaan, inta la xaqiijiyay ilaa hadda dhimashada ayaa gaareysa 3 askari oo 2 ay yihiin Soomaalida iyo 1 ka tirsan Ciidamada Uganda, sida lagu baahiyay warbaahinta Al shabaab.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya jawiga hada inuu dagan yahay,balse duleedka degmada laga dareemayo dhaq dhaqaaq ciidan oo ay sameynayaan ciidamada Ugandha ee halkaasi saldhiga ku leh iyo ciidamo kale oo katirsan dowladda Soomaaliya.

Duqeyntaan ayaa kusoo beeg meysa xili dhawaan Markab taagnaa xeebaha degmada Baraawe lagu weeraray duqeyn inkasoo duqeyntaasi aan la shaacin khasaaraha rasmiga ee ka dhashay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here