Akhriso:-Mareykanka oo Sheegay in Horumaro Laga Samaeeyay Duqeymaha Soomaaliya

0

Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay sheegtay in ay hormaro ka sameeyeen duqeymaha dhanka cirka ay sanadii 2017-kii kafuliyeen dalal ay soomaaliya kamid tahay sidaasi waxaa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay taliska mareykanka uqaabilsan geeska Africa ee marka magaciisa lasoo gaabiyo Looyaqaan (AFRICOM).

Hadalkan kasoo baxay taliska mareykanka uqaabilsan geeska Africa ayaa dhanka kale lagu sheegay in dalalka Somaliya, Libiya, Iyo Yemen, ay ka fuliyeen duqeyn dhanka cirka ah ay geysteen diyaaradahooda Droneka sanadii aynu kasoo gudubnay islamarkaana ay ay siikordhin doonaan bartilmaameedsiga ururada kadagaalama dalalkaasi.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa la sheegay in markii uu xafiiska lawareegay uu maamulkiisa kordhiyay duqeymaha ay marekanka ka fulinayaan guud ahaan soomaaliya iyadoona duqeymahaasi ay waxyeelo kala duwan kasoo gaarto dadka shacabka ah ee ka agdhow goobaha ay bartil maameedkoodu ahaa.

Dhanka kale Samantha Reho afhayeenka taliska Mareykanka uqaabilsan geeska Africa ee AFRICOM ayaa sheegay in sanadan aynu ku guda jirno ay fuliyeen diyaaradahooda 16 duqeyn oo ay la bartilmeemeedsadeen xarumo gaar ah oo ay kusugnaayeen Alshabab in kastoo aysan kala cadeyn khasaaraha rasmiga ah ee kadhashay duqeyntaasi.

Dhawaan ayey aheyd markii mareykanka ay duqeyn kageyteen deegaan hoostaga gobolka shabeelaha hoose halkaa oo ay ku geeriyoodeen tiro shacab ah oo kusugnaa goobahaasi iyadoona maalin kadib war ay kasoo saareen mareykanka dhacdadaasi kuwaa oo sheegay in arintaasi ay uqaadan doonaan mid qatarteeda leh.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here